93 Views

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayo maaraynta gargaarka

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayo maaraynta gargaarka
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Md. Saalax Cabdi Jaamac ahna ku simaha Ra’iisulwasraaha XFS ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku Guddoomiyey shir gaar ah oo u dhaxeeyey Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasaaradaha Gargaarka dowlad goboleedyada dalka, mas’uuliyiin ka socotay hay’addaha iyo NGO yada maxalliga ah.

Shirkan oo looga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ayaa waxaa ka soo baxay in SoDMA qabato shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xaaladaha bini’aadanimada, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo, in la dhameystiro sharciyada iyo siyasaddaha looga hortagayo is-dabamarinta gargaarka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in la dhiso guddi gaar ah oo ka kooban SoDMA iyo hay’adaha maxalliga ah oo ka shaqeeya in inta aysan dadka soo barakicin deegannadooda wax loogu qabto.

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post