765 Views

Qoor Qoor oo weli Muqdisho ka wada dhex-dhexaadinta Musharixiinta & Madaxda Dowladda

Qoor Qoor oo weli Muqdisho ka wada dhex-dhexaadinta Musharixiinta & Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalmahaan Muqdisho ka wada qorsho uu ku dhex-dhexaadinayo Madaxda Dowladda & Midowga Musharixiinta oo isku khilaafsan guddiyada doorashooyinka ee Magacaaban ayaa la kulmay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur & Madaxweynaha Galmudug ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gar ahaan xilligan kala-guurka ah oo la galayo howlo doorasho.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug booqasho uu ugu yimid, isaga oo tilmaamay in kulankooda uu ahaa mid miro-dhalay.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ku adkeeyay in xal lag gaaro khilaafka kajira guddiyada doorashooyinka oo Musharixiinta ay sheegeen in lag soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa a filayaa in ay kulan xasaasi ah yeeshaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxda Sare ee dowladda, iyaga oo ka wada hadli doona sidii xal looga gaari lahaa muranka ka dhashay guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post