639 Views

Ceeryaamo ka weecisay duulimaadyada diyaaradaha Itoobiya halkii ay ku wajahnaayeen

Ceeryaamo ka weecisay duulimaadyada diyaaradaha Itoobiya halkii ay ku wajahnaayeen
____________________________________________________________________________


Talaado: July 12, 2022

Xaalad cakirnaan ah oo ka jirtay subaxnimadii Isniinta caasimadda Itoobiya ee magaalada Addis Ababa, ayaa ku qasabtay duulimaadyadii iney ka weecdaan iney ku dagaan garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee Bole.

Barta dabagalka xogta duulista, ayaa sheegtay in diyaarado ka yimid magaalooyinka Toronto, Beirut iyo Dubai, si qasab looggu leexiyey iney ka dagaan garoomo kale.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayaa ku nuux nuux satey in duullimaadyo ay aheyd iney kacaan inuu dibu dhac ku yimid, balse ma aysan sheegin duulimaadyada ay arrintan saameysay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartey.

Sanadkii lasoo dhaafey ayaa sidoo kale waxaa hakad galay hawlihii shaqo ee garoonka, kadib markii ay cimilada ay aad u xumaatay, waxaana duulimaadyadii diyaaradda loo weeciyey gobolada magaalada caasimadda dariska la ah, iyo dalalka dariska la ah Itoobiya.

Barta Twitter-ka, ayaa qof rakaab ah wuxuu soo galiyey muuqaal kusaabsan duulimaadkii ay kasoo raaceen magaalada London, kaasoo ku dagay magaalad Awassa ee koonfurta Itoobiya, halkaasoo loo weeciyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post