819 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “ Waxaan isku afgaranay in banaanbaxa uu dhaco maalinka Sabtiga 6-da bishan Maarso Daawo Muqaal.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur  “ Waxaan isku afgaranay in banaanbaxa uu dhaco maalinka Sabtiga 6-da bishan Maarso Daawo Muqaal.
____________________________________________________________________________

 2da Maarso, 2021

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa  markii ugu horaysay ka hadlay banaanbaxa lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho, waqtiga uu dhacayo iyo goobnta uu ka dhacayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ayaga iyo xukuumadda Rooble ay ku heshiiyeen in mudaharaadkaasi dhaco maalinka Sabtiga ah ee soo socota oo taariikhdu ku beegantahay 6-da bishan Maarso.

“Qodobada aan isku raacnay waxaa ugu horeeya in xukuumadda xil-gaarsiinta aan ka wada shaqeyno in banaanbaxii uu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishaan, kaas oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka, waxaa banaanbaxaan soo jeediyey midowga musharaxiinta oo soo abaabulaya, xukuumadda waxaan ku heshiinay inay kala shaqeyso amniga mas’uuliyadeedna ay qaadato, taas waa naga aqbaleen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inay wada magacaabeen guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii hore ee Febraayo.

Lixda sarkaal ee loo magacaabay baaritaanka dhacdadaas ayaa kala ah.

1- S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
2- Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3- S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare
4- S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5- G/Dhexe Yaasiin Cabdullahi Maxamuud
6- Xuseen Macalin Maxamuud

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post