234 Views

Dhulgariir ku dhuftay Galbeedka jasiirada Java ee dalka Indonesia oo dilay ugu yaraan 268 qof, oo badankood ay caruur yihiin

Dhulgariir ku dhuftay Galbeedka jasiirada Java ee dalka Indonesia oo  dilay ugu yaraan 268 qof, oo badankood ay caruur yihiin
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 23, 2022

Dhulgariir ku dhuftay Galbeedka jasiirada Java ee dalka Indonesia ayaa dilay ugu yaraan 268 qof, oo badankood ay caruur yihiin, iyadoo 151 qof wali la la’yahay, sida ay sheegeen saraakiisha gargaarka musiibooyinka, iyadoo samata bixiyeyaashu ay baarayaan burburka dhismayaal dumay si ay uga badbaadaan.

Dhul gariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 magnitude ayaa ka dhacay gobolka ugu dadka badan dalka Indonesia, waxaana uu sababay burbur xoogan oo soo gaaray magaalada Cianjur oo qiyaastii 75 KM dhanka koonfur bari kaga beegan caasimada Jakarta.

Madaxa hay’adda musiibooyinka Suharyanto ayaa warbaahinta u sheegtay in in ka badan 1,000 qof ay ku dhaawacmeen, 58,000 oo qofna ay ku barakaceen, 22,000 kun oo gurina ay burbureen.

Dhul go’a iyo dhul qallafsan ayaa carqaladeeyay dadaallada samatabbixinta Talaadadii, ayuu yiri Henri Alfindi, madaxa Hay’adda Raadinta iyo Samatabbixinta Qaranka (Basarnas).

“Caqabadda jirta ayaa ah meelaha ay dhibaatadu saameysey oo fidsan… Waxaa intaa dheer, waddooyinka tuulooyinkaas ayaa burbursan,” Alfindi ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa caruur ku sugnaa iskuul xilliga uu dhulgariirka dhacay, ayuu yiri.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka ay dhinteen ka dib markii ay dumeen dhismayaal aan si wanaagsan loo dhisin, iyadoo madaxweynaha uu ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo si loogu daro guryo aan dhulgariirka dumin karin

Madaxweyne Joko Widodo ayaa u safray Cianjur Talaadadii si uu u dhiirigaliyo samatabbixiyeyaasha.

“Awaamiirtaydu waa in aan mudnaanta siiyo daadgureynta dhibbanayaasha weli ku hoos jira burburka,” ayuu yiri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post