2070 Views

Faah Faahin Qaraxyo iyo weerar ka dhacay agagaarka Madaxtooyada

Faah Faahin Qaraxyo iyo weerar ka dhacay agagaarka Madaxtooyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | july 14, 2018 –  Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya goobihii qaraxyada ay ka dhaceyn ee Muqdisho ayaa haatan degan,waxana horay u jirtay in qaraxyada ka dib la maqlay rasaas xoogan.

Laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in ay ku qarxeyn meel aan ka fogyen Xarunta Madaxtooyada gaar ahaan meelo u dhow Hotelka SYL iyo Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab.

Rag hubeysan iyo Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in mudo ka badan 30 dsqiiqo in ay halkaasi ku dagaalamayeen,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kas oo gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo dad rayid ah.

Laamaha amniga Soomaaliya weli qaraxyadaasi iyo weerarka kama hadlin,waxaa sidoo kale weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan,waxaana xiran aaga ay qaraxyada iyo weerarka uu ka dhacay oo u dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas iyo qaraxyada ka dhacay agagaarka madaxtooyada.

qarax-kontrolka-madaxtooyada qarax-kontrolka-madaxtooyada-3 qarax-kontrolka-madaxtooyada-2 qarax-kontrolka-madaxtooyada-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment