759 Views

farmaajo oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed

farmaajo oo  Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

.

May 1-2021

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaa uu Maanta hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shaqaalaha Soomaaliyeed uga mahad-celiyay sida ay uga shaqeeyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka, laga soo bilaabo dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku leeyihiin halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimada.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinaynaa sida maskax iyo muruqba ay u geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna, laga soo bilaabo dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku leeyihiin halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.”

Waxaa uu sheegay madaxweyne Farmaajo in dalka maanta uu la tacaalayo halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada.

“Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, iyaga oo mudnaanta siiyay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post