990 Views

Weerar lagu qaaday guri uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya

Weerar lagu qaaday guri uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhawacmeen oo uu ku jiro taliye ku-xigenkii qaybta booliska gobalka Mudug ee dhanka Puntland Cabdisiciid Xuseen Jaamac weerar caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada booliska ayaa weerar ku qaday guri ay ku sugnayeen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse iyo nabaddoono, waxaana sida ay wararku sheegayaan ku dhawacmay weerarka nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa odayaal iyo siyaasiyiin shir ku lahaa halkaasi.

Werarkaan ayaa imanaya kadib kulan maanta ka dhacay Gaalkacyo kaas oo laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay ka yeesheen inaan Gaalkacyo lagu qaban karin kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo hoggaanka Puntland.

Ma cadda waxa uu ku saabsanaa kulanka ka dhacayey guriga la weeraray.

Taliska qaybta booliska gobalka Mudug ee Puntland oo VOA ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan howlgalkii ka dhacay caawa Gaalkacyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post