789 Views

Guddoomiye Cumar Filish oo si kulul uga hadlay qarixii Muqdisho

Guddoomiye Cumar Filish oo si kulul uga hadlay qarixii Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 10 2020—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qarixii ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan murugada iyo xanuunka la wadaagayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay falkii waxuush nimada ahaa oo ay argagixisadu galabta ka geesteen Maqaaxida Blue Sky, Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan oo ay caadeysteen argagixisadu”.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa baaq u diray Shacabka gobolka Banaadir isagoo yiri, “waa inaan dhamaanteena dowlad iyo shacab u midowna la dagaalanka iyo Cirib-Tirka argagixisada oo had iyo jeer falal gurcan la beegsada dadkeena qiimaha badan”.

Qarixii Galabta ka dhacay Maqaayada Blue Sky oo ku dhow Taalada Xaawa Taako ayaa waxaa ku geeriyooday dad isugu jiray askar iyo Shacab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post