1068 Views

Dowladda oo looga digay inay afduubato doorashada Galmudug

Dowladda oo looga digay inay afduubato doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2019 –Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxaa  ku howlaneyd  sidii Maamul loogu sameyn lahaa Maamulka Galmudug,waxaana jira siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowladda uga digaya in ay afduubato doorashada la filayo inay ka dhacdo Galmudug.

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ahna Xildhibana ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dowladda uga digay inay afduubato doorashada si ay u saarto Shaqsi ay dowladda Soomaaliya wadato.

 

 

Waxa uu sheegay in isaga uu yahay Shaqsi uga aqoon badan dowladda soo dhisida Maamul,waxaana dowladda uu ka dalbaday inay tixgeliso rabitaanka Shacabka deegaannada Galmudug.

 

Si kastaba dad u badan siyaasiyiin ayaa aaminsan in sababta dowladda Federaalka ay xooga u saartay Arrimaha Galmudug ay tahay inay soo saarato Shaqsi taagersan dowladda si uu Madaxweyne ugu noqdo Galmudug si la mid ah Maamulka Koonfur Galbeed oo uu Madaxweyne ka yahay C/Casiis Xasan Maxamed (laftagareen)

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment