714 Views

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo wacad ku maray in ay wiiqi doonaan kooxa ka dagaalama Dalkasi .

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo wacad ku maray in ay wiiqi doonaan kooxa ka dagaalama Dalkasi .
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 24, 2021

-Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa Talaadadii gaaray jiidda hore ee dagaalka, si uu u hoggaamiyo Ciidamada Federaalka ee dagaalka kula jira kooxaha fallaagada.

Sida ay ku warantay Warbaahinta dalkaasi, Ra’iisal Wasaaraha ayaa gaaray furinta dagaalka, inkastoo aysan kala caddeyn jiidda ay dagaalka ka gelayaan Abiy Ahmed iyo Siyaasiyiinta Xisbigiisa Barwaaqo ee ku wehlineysa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa habeenkii Isniinta sheegay in uu ku wajahan yahay furinta dagaalka, isagoo markaasi sheegay inuu dagaalka hoggaamin doono.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dadweynaha Itoobiya ee doonaya inay dalkooda difaacaan ugu yeeray in ay ku soo biiraan Ciidamada Difaaca Qaranka ee jiidda hore ku sugan.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo sidoo kale ah Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi ayaa bayaan ku sheegay in la gaaray waqtigii Itoobiya loo dhiman lahaa, waxaana uu wacad ku maray in ay wiiqi doonaan kooxaha fallaagada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post