1791 Views

Hoggaamiyeyaal ka tirsanaa Daacish oo kasoo hormuuqday Maxkamada Ciidamada

Hoggaamiyeyaal ka tirsanaa Daacish oo kasoo hormuuqday Maxkamada Ciidamada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 2018 – Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sidda ayaa Maanta Waxaa kasoo hormuuqday eedeysanayaal ka tirsanaa  Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen  Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan Daacishta ah ee uu hogaamiyo Cabduqaadir Muumin sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe ay is qabteen.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

daacish-3 daacish-2 daacish-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment