3453 Views

Canada oo ku dhawaaqday in ay ka qeyb galeeyso Shirka Istanbul ee Soomaaliya

Canada oo ku dhawaaqday in ay ka qeyb galeeyso Shirka Istanbul ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho,20 February 2016: Madaxda ka qeybgalyso Madasha Istanbul ee loogaga hadli doono arrimaha Soomaaliya todobaadka soo socda, ayaa waxaa ka mid ah Dowlada Canada Wasiirkeeda Arrimaha Dibada Stephane Dion, wana marki ugu horreysay inta la ogyahay.

Macluumaad kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Canada, ayaa lagu sheegay in Stephane Dion uu Istanbul kula kulmi doono madaxda Soomaalida, wakiilo ka kala socda Africa iyo Bariga dhexe isaga oo kala hadli doona arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkaan 2016.

‘’Ka qeybgalka mudane Dion kulanka heerka wasiir ee Istanbul waxa ay caddeyneysaa mar kale sida ay Canada uga go,antahay taageerada dadaalka caalamiga ah ee lagu baadi goobayo xaslloonida iyo nabadda Soomaaliya, horumarka Soomaaliya wuxuu gundhig u yahay amaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Africa’’ ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibada Canada.

Shirka Istanbul ayaa waxaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan go,aano kama dambeys ah oo wadada loogu xaarayo doorashooyinka lagu wado in ay ka qabsoomaan Soomaaliya gaar ahaan kuwa labada aqal iyo tan madaxweynaha, taas oo la wada sugaayo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment