825 Views

dalka Kongo kumanaan qof oo ka qaxay guryahooda markii fulkaane ka qarxay buurta Nyiragongo

dalka Kongo  kumanaan qof oo  ka qaxay guryahooda  markii fulkaane ka qarxay buurta Nyiragongo
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, kumanaan qof ayaa ka qaxay guryahooda ka dib markii fulkaane ka qarxay buurta Nyiragongo oo uu halist galiyey guryahooda magaalada Goma.

Dhamac ka burqanaysa fulkaanaha ayaa daruuro ifaya ku noqday bariga magaaladaas oo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

Dadku waxay isku dayeen in ay ololka dhadhaabahaa dhalaalay ee ku soo rogmaday ee soo gaadhay qaybo magaalada ka mid ah iyo wadooyinkaba ku bakhtiiyaan biyo.

Dad dhadhaabaha dhalaalay oo dhamac ah ayaa lagu arkayey oo dhex qulqualaya dhismeyaasha magaalada dhexdooda.


Dadka magaalada degan ayaa furaashyo iyo maacuun kale la qaxay.

.

Waa iyaga oo maacuuntii ay siteen la jiifa dariiqyada magaalada Gisenyi ee xadka labada dal ku taal.

Buurta Nyiragongo waxay ka mid tahay goobaha fulkaanaha ugu badani ka qarxo dunida. Sawirkanina wuxuu muujinayaa muuqaalka oo meel fog laga sawiray dhanka Harada Kivu ee u dhow Goma.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post