1470 Views

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada hirshabeelle oo ku dhintay Iska Hor-imaad

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada hirshabeelle oo ku dhintay Iska Hor-imaad
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, ayaa laga soo weriyay iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kooxda la baxday Macawisleeyda oo doonayay in ay maxaabiis kala baxaan xabsi ku yaalla magaalada.

Sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray, Cali Axmed Goodaad ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday iska hor-imaadka, halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah shaqaalaha madaxtooyada Hirshabeelle.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaan weli faahfaahin dhammaystiran laga helin iyadoo aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post