2358 Views

Qaar ka mid ah maamul Goboleedyada oo taageeray xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka

Qaar ka mid ah maamul Goboleedyada oo taageeray xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 29, 2018 –  Qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa taageeray  xeerka Isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka ee ay dhawaan magacowday Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta ee dowladda Somaaliya.

Shirkii looga hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka ee shalay lagu soo gaba gabeeyey Garoowe ayaa qodobadii ka soo baxay waxaa horay u qaadacay Xubno ka mid ah saddax Maamul goboleed,iyaga oo dhaliilay qaabkii guddigaas loo sameeyey.

Haba sidoo kale waxaa Maanta Warsaxaafadeed ay soo saareen Wasiirka Isgaarsiinta Galmudug Axmed Dubad Cali, Wasiiru dowlaha Isgaarsiinta Hirshabeelle Ifraax Cismaan saney iyo Wasiir kuxigeenka Isgaarsiinta Koofur Galbeed C/xakiin Faarax Shandille,ay siwadajir ah ugu taageereen  xeerka Isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka.

WAR-SAXAAFADEED.

Taageerid XEERKA isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka.

Anagoo kala ah xubnaha wasiirada ee kala metelaya dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle isla markaana ka qeyb galay shir ku qabsoomay 25-27-ka Juun 2018 Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaan soo saarnay war-saxaafadeedkan nuxurkiisu yahay sidan:-

Markaan aragnay ajendaha meesha la soo dhigay, markaan aragnay in si qaloocan oo aan sharciga ku saleysneyn la doonayo in loo fashiliyo guulaha laga gaaray meel marinta xeer isgaarsiinta oo heerar kala duwan soo maray, ugu dambeyntiina ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowlada markii uu madaxweynuhu saxiixay.

Markaan fahamnay in dano gaar ah oo ka hor imanaya qaranimada iyo danta guud ee dalka la doonayo in la meel mariyo, kuwaasoo si guracan loo soo abaabulay. Horeyna aanan uga heysan macluumaad nagu filan oo shirkaas khuseeya.

Waxaa si cad uga dhex muuqday xubno huwan sharafta dowladnimada laakiin door biday khal khal gelinta waxqabadka lagu talaabsaday, kaasoo ah in xeerka isgaarsiinta si hufan u meel maray isla markaana xubnaha guddiga ee heyadda si dheeli tiran loo soo xulay.

Markaan Tixgelinay qodobada sare ku xusan iwm, anagoo gudaneyna xilka iyo waajibaadka na saaran isla markaana meteleyna dowlad goboleedyada aan magacooda shirkaas Garoowe kaga qeyb galnay.

Waxaan halkaas ku cadeynaynaa:-

1-Inaan si buuxda u taageersanahay xeerka isgaarsiinta qaranka ee soo maray dhamaan heerarkii loogu talo galay ansaxna noqday. Diyaarna u nahay ku dhaqankiisa.

2-Sidoo kale waxaan si mug leh ugu qanacsannahay xubnaha Soomaaliyeed ee loo magacaabay guddiga isgaarsiinta Qaranka iney noqdaan anagoo ku kalsoon, aqoontooda, matalaada bulshada ee ay ka socdaan, kuna qanacsan in si hufan loo soo dhameystiray.

3-Waxaan Wasaarada Isgaarsiinta boostada iyo tiknolojiyada ee federaalka iyo hogaankeeda ku garab taaganahay Masuuliyadda ay guteen, waxaanan ku amaanaynaa dhabar adeygooda iyo kartidooda.

Ugu dambeyn waxaan diidan nahay isku daygii shirkii Garoowe ee bishan Juun qabsoomay kaasoo ahaa mid si toos ah uga hor imanaya dowladnimada guud ahaan, gaar ahaana caqabad weyn ku ah horumarka sectorka isgaarsiinta oo ah meesha kaliya ee Soomaalidu ku faanto.

Waxaan u rajaynaynaa Soomaali dhamaanteed guul iyo gobanimo, waxaanan kula dardaarmaynaa in loo gudbo danta guud taageerideeda iyo ilaalinta waxa Soomaaliya Ka dhexeeya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment