492 Views

Xaalada caafimaadx ee Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland oo soo hagaagaysa.

Xaalada caafimaadx ee Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland oo soo hagaagaysa.
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Waxaa muddooyinkii danbe xanuun la ildarnaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan, kaas oo hadda xaaladiisa caafimaad soo hagaageyso, sida ay sheegayso xaladiisa oo  soo hagaagayso.

Muuqaalka Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ee lagu arko meel fagaare ah waxaa u danbeysey 21 Luulyo.

Saxaafada  ogaatey Madaxweynaha Jubaland ayaa ku siibtey musqul bishii Luulyo ee la soo dhaafey waxaana jug ka gaartey dhabarka, taas oo wararka qaarkood sheegayaan in ay tahay dilaac lafta dhabarka soo gaarey

Axmed Madoobe ayaa markii hore la dhigey isbitaal ku yaala Nayroobi, markii xaaladiisu soo hagaagtey ayaa loo qaadey dalka Imaaraadka carabta halkaas oo hadda xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso sida ay sheegayso xog Horseed Media soo gaartey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Jubaland oo la xiriira xaaladda Axmed Madoobe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post