2262 Views

Sawiro:-Wararkii Udanbeeyey Ee Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Sawiro:-Wararkii Udanbeeyey Ee Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 09, 2018 —Waxa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qaraxyadii Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho.

Qarayad oo ahaa Afar ayaa waxaa lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho oo markii labaad la weeraray.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in 4 ka mid ah Raggii hubeysnaa ee weerarka ku soo qaaday hotelka la toogtay

ilaa 23 Ruux ayaa la xaqiijiyay inay qaraxyadaasi ku geeriyoodeen oo u badan dad rayid ah oo wadada isticmaalayay xilliga uu qaraxa dhacayay,waxaana dadka dhintay ku jira Cabdifitaax Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo uu dhalay Ganacsade Ilqeyte oo Saddex Sano kahor Bishaan oo kale ku dhintay weerar lagu qaaday isla Hotelka Saxafi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda sheegtay  in dhamaan dadkii hotelka Saxafi gudihiisa ku jiray la soo badbaadiyay.

Hotelka Saxafi ayaa ku dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4 waxaana uu ka soo horjeeda xarunta CID-da,waxaana qaraxyada iyo weerarka lagu qaaday Hotelka Saxafi mas’uuliyadeeda sheegtay Al-Shabaab.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment