717 Views

Madaxweyne farmaajo oo Ubax-dhigay Taallada Daljirka Daahsoon

Madaxweyne farmaajo oo Ubax-dhigay Taallada Daljirka Daahsoon
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 26. 2020–Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Boqollaal shacab ah oo ay ka muuqato farxadda Xuska 60-Guurada Xornimada iyo Midnimada ayaa Madaxweynaha kula dabbaal degay Taallada Daljirka Daahsoon oo astaan u ah maamuuska iyo qiimeynta Halyeey kasta oo Soomaaliyeed oo naftiisa iyo nolashiisaba u hura difaaca iyo hormarinta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta dalkeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Daljirka Daahsoon waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post