1017 Views

Madaxweynaha Puntland maka qeyb-geli doonaa Caleema saarka Axmed Madoobe?

Madaxweynaha Puntland maka qeyb-geli doonaa Caleema saarka Axmed Madoobe?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, -2019 —Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in uu kamid noqon doono wufuuda ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaada Kismaayo.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan waday inay joojiso inaysan Siyaasiyiin ka qeyb-gelin xaflada Caleema saarka ayaa ku guuleysan weysay inay Madaxweyne Deni ku qanciso in uusan ka qeyb-gelin xafladaas.

 

 

 

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Puntland ayaa tegay Magalada Boosaaso ee Gobolka bari,kuwaas oo Madaxweynaha Puntland kala hadlay in uu ka baaqsado Xaflada Caleemo saarka,hayeeshee la sheegay in taasi uu diiday.

 

Wararka laga helao saaka Magalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu Maanta oo Arbaco ah ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo si uu uga qeyb-galo Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

 

Si kastaba horay Magaalada Kismaayo waxaa ugu sugnaa Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed, Cabdi Kariin Xuseen Guuleed & Shariif Xasan Sheekh Aadam,waxaana la filayaa inay siyaasiyiin kale ku biiraan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment