1569 Views

Sawiro:-Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo dib loo soo celiyay

Sawiro:-Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo dib loo soo celiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 03, 2019 –Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Kenya Monica Juma  ayaa sheegtay in ay kulan la yeelatay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magaalada Nairobi.

Kulankaan ayaa looga hadlaayay soo celinta xiriirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan xumaaday ka dib markii dowladda Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xadgudubtay Badda Kenya.

Wasiirka ayaa xaqiijiysay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay in lasoo Afjaro Khilaafka labadda dal.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysay dalalk Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.

Sahminta shidaalka ayay Kenya sheegtay in laga sameeyay xadka dhanka badda ee ay wadaagaan Soomaaliya. Kenya ayaa ku adacootay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay magaalada London ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ay leedahaya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment