1137 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dhagax dhigay Mashruuc lagu dhisayo Waddo laami ah

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dhagax dhigay Mashruuc lagu dhisayo Waddo laami ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 28-2020—Munaasabada lagu dhagax dhigayey Wadooyinka laamiga ah dhaxmarto Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan labada gole ee , maamulka Gobolka iyo kan degmada, iyo Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.

 

Wadooyinkani la dhisayo ayaa waxay muhiim u yihiin bilicda Magaalada iyadoo dhaqaalaha ku baxayo ay gacan ka geysaneyso hey’adda Horumarinta Ee SSF Sida uu sheegay Wasiirka Howlaha Guud Iyo dib u dhiska Hirshabeelle mudane Jaamac.

 

 

 

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Mashaariic Horumarineeyd ee laga Fulinayo magaalada Beladweyne sida dhismaha Garoonka Diyaaradaha iyo midka biyaha Fatahaada looga wareejinayo Magaalada Baladweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment