879 Views

Kulamo xal raadin ah oo ka bilaawdey Dhuusamareeb

Kulamo xal raadin ah oo ka bilaawdey Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 19 -2020—Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa saacadihii la soo dhaafey ka socdey kulamo ku saabsan sidii xal loogu raadin lahaa khilaafka weli hareeyey dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

 

Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay kulamo la qaateen musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,waxaana kulanka looga hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Galmudug iyo Arrimaha Madaxweyne Xaaf.

 

 

 

Musharax Cabdi dheere oo kamid ah musharixiinta Madaxweynaha kana qeyb galey kulanka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay in doorashada soo socota ay noqoto mid xor iyo xalaal ah sidoo kalena musharixiinta waqti la siiyo.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka hadleen qalalaad dhinaca doorashooyinka ah oo dhacey,isla markaana ay isla qaateen in xal laga gaaro arrinta tabashada ah ee uu qabo Madaxweyne Xaaf.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment