783 Views

Samantha Lewthwaite oo ka carartay Soomaaliya kadib markii uu furay Sheekh Xasan

Samantha Lewthwaite oo ka carartay Soomaaliya kadib markii uu furay Sheekh Xasan
____________________________________________________________________________


Axad: January 16, 2022

 Gabadha argagixisada British-ka ah ee Samantha Lewthwaite oo loo yaqaan “Carmaladda Cad,” ayaa ka baxsatay Soomaaliya una carartay dalka Yemen kadib markii ay isku dhaceen sarkaalkii qabay ee Al-Shabaabka ah, waxaa sidaas ku waramay ilo-wareedyo amni.

Samantha Lewthwaite, oo kasoo jeeda magaalada Aylesbury ee dalka UK ayaa ka mid ah dadka loogu raadiska badan yahay caalamka, ayada oo loo haysto dilalka boqolaa qof.

Gabadhan 38 jirka ah, oo uu qabi jiray mid ka mid ah raggii fuliyey qaraxyadii 7/7 ee London, ayaa dalka UK uga carartay South Africa 2009, ayada oo kadibna tagtay Tanzania, ugana si gudubtay Kenya, kahor inta aany u gelin Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Naaneysteeda ah “Carmaladda Cad” ayaa waxaa u yaqaan hay’adaha sirdoonka caalamka, waxaana lala xiriiriyey weeraro argagixiso oo dhowr ah oo ka dhacay qaaradda Afrika oo sababay dhimashada 400 qof.

Sanadihii dhowaa ayaa waxay Soomaaliya kula nooledy seygeeda afaraad oo qabay muddo 7 sano ah, kaasi oo loo yaqaan “Sheekh Xasan” kahor inta aaney kala tegin una cararin Yemen, sida uu qoray wargeyska Mirror ee UK.

Ilo-wareedyo amni ayaa wargeyska u sheegay in Samantha, oo ah gabadha askari British ah oo ka dagaalamay Waqooyiga Ireland, ay ka carartay aag aan la gelin oo Soomaaliya ka mid ah, kadib markii ay seygeeda kala tageen.

Waxaa hadda la rumeysan yahay inay degan tahay aag ay ku xoogan yihiin jihaadiyiinta oo ka tirsan dalka Yemen, halkaasi oo ay xirato niqaab buuxa si aan loo aqoonsan.

Mid ka mid ah ilo-wareedyada amni ayaa u sheegay Mirror “Samantha iyo Sheekh Xasan hadda ma wada joogaan – waxaa la rumeysan yahay inay is-fureen. Waxaa Soomaaliya ku ilaalin jiray qoyskiisa.”

“Balse hadda halkaas lagama jecla waxayna aaday aag ay Al-Qacida maamusho oo ka tirsan Yemen. Waxay ku baxday doon.” 

Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa sanadoo 2013 soo saaray amar lagu soo xirayo Samantha oo lala xiriirinayo weeraradii lagu qaaday Westgate Mall ee Nairobi, oo ay ku dhinteen 66 qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen British.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku lug laheyd qorshaha weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148 qof.

Samantha, oo ka qalin jebisay Jaamacadda London, ayaa la rumeysan yahay inay isku sameysay qalliin wejiga ah, islamarkaana miisaan badan uu koray, si aan loo aqoonsan 

Waxay ballan-qaaday inay dhammaan afarteeda caruur, oo ay u kala dhashay saddex nin oo kala duwan, ay ku barbarian doonto inay mustaqbalka noqdaan jihaadiyiin. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post