348 Views

Puntland oo loo dhisayo Maxkamadda Sare iyo tan dastuuriga

Puntland oo loo dhisayo Maxkamadda Sare iyo tan dastuuriga
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 13, 2022

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.

Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay qarash dhan $10,000 howlgelinta koowaad siinayso urur kasta, Iyadoo inta howsha doorashada iyo ololaha socdona urur kasta bishiiba la siinayo $3,000 oo joogto ah.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu uu soo magacaabayo madaxda Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, si loo dhameystiro waxyaabaha dhinaca garsoorka ka khuseeya doorashada hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post