750 Views

Marwa Elselehdar oo waday Markab xamuul qaaado ee fadhiistay kanaalka Suez oo ka hadashay..

Marwa Elselehdar oo waday Markab xamuul qaaado ee fadhiistay kanaalka Suez oo ka hadashay..
____________________________________________________________________________

April: Hol 5/4/2021

Bishii aynu soo dhafnay, Marwa Elselehdar ayaa waxay la kulantay arrin la yaab leh.

Waxaa soo ifbaxay wararka sheegaya in markab weyn oo xamuul qaaado laguna magacaabo Ever Given uu fariistay kanaalka Suez, arrintaas oo saameyn weyn ku yeelatay mid kamid marinka ugu muhimsan ee maraakiibta caalamka

Balse waxay teelkeeda ka aragtay warar been abuur ah oo sheegaya in iyadu ka dambeysay waxa meesha ka dhacay.

“Aad ayaan ula yaabay,” ayay tiri Marwa oo ah gabadhii ugu horeysay ee naaquuda markab ka noqoto dalka Masar.

Xilliga markabku fariisanayay kanaalka Suez, Ms Elselehdar ayaa maamulka u haysay markabka Aida IV, boqolaal mayl meel u jirta biyaha Alexandria.

Markabka ay hogaanka u hayso ayaa waxaa leh waaxda badbaadada badda ee Masar wuxuuna sahay u siday xarun tababar oo badda cas ku taalo.

Waxaa baraha bulshada qabsaday warar been abuur ah oo laga dhigay inay tebiyeen warbaahinta Carabta oo ah in shilka kanaalka ay ka dambeysay Marwa Elselhedar.

Marwa Elselhedar waa 29 Jir waxayna BBC-da u shegetay in aysan ka warqabin cida faafisay wararka been abuurta iyo danta ka la haayeen.

Waxaan u maleynayaa sababta la ii bartilmaamedsaday in aan guul ka gaaray.

howshan anigoo ah haweeney Masaari ah,” ayay tiri Marwa.

” Aragtida dadka ee warbixinta been abuurka ee baraha bulshada iga asoo dhigay aad ayay u qalafsanayeen waana kuwo niyad jab leh, balse sidoo kale waxaa jiray dad kale oo wanaag badan goobta ku qoray sida dadka aan isla shaqeyno oo garab i siiyay, sidaas darteed waxaan go’ansaday in aan diirada saaro wixii wanaagsancaradeydana waxaan ku baddelay jaceyl”.

“Waxaa xusid mudan in aan caan noqday weli ka duwan sidi hore aan ahaa.” Waxaa sidaasi sheegtay Marwa.

Bisha soo socota Marwa Elselhedar ayaa uu fariisan doonta imtixankeeda kama dambeysta ah ee ay ku doonayso inay noqoto Captain-ka Markabka (naaqudaha guud) waxayna ku rajo weyntahay inay tusaale u noqon doonto dumarka.

“Farinta aan u dirayo dumarka doonayo inay ka shaqeeyan badda ayaa ah, waa in aad u dagaalanto waxaad jeceshahay hana ogolaan in wax yar oo nacayb ah ay ka hor istaagto hamigaaga.” Ayay ku dhiiragelisay Marwa.Last month, Marwa Elselehdar noticed something strange.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post