642 Views

Xildhibaan Maxamuud Dini oo ugu baaqay bulshada Galinsoor in ay ilaashadaan mashaariicda horumarineed

Xildhibaan Maxamuud Dini oo ugu baaqay bulshada Galinsoor in ay ilaashadaan mashaariicda horumarineed
____________________________________________________________________________


Axadf: January 9, 2022

Xildhibaan Maxamuud Dini oo ka mida mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa mudooyinkii danbe isaga iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug waxa ay kormeero ku marayeen Gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Socdaalka Mas’uuliyiinta ayaa ku aadanaa u kuulgalida baahiyaha bulshada iyo waxqabadka ka soo gaara maamulka sare ee Galmudug ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee ay ka bilaabeen deegaanka Galisoor oo uu xusay in uu ka mid ahaa deegaanada fara kutiriska ah ee inta badan aysan soo gaarin adeegyada horumarineed ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Xildhibaan Maxamuud Dini ayaa dhanka kale kubooriyay bulshada ku nool magaalada Galinsoor in ay iska kaashadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee laga hirgalinayo deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post