675 Views

Ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka oo is casilay kaddib iyadoo lagu eedeeyay inuu u hanjabay gabar weriye ah.

Ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka oo  is casilay kaddib  iyadoo lagu eedeeyay inuu u hanjabay gabar weriye ah.
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, TJ Ducklo, ayaa xilkaasi iska casilay maalin uun kaddib markii shaqada laga joojiyay, iyadoo lagu eedeeyay inuu u hanjabay gabar weriye ah.

Ducklo ayaa lagu soo waramayaa in uu gabadhaasi oo lagu magacaabo, Tara Palmeri, ugu hanjabay in uu “baabi’in doono” kaddib markii ay su’aalo ka weydiinaya noloshiisa gaarka ah.

Ducklo ayaa bayaan uu soo saaray shalay ku sheegay in uu adeegsaday luuqad aan habboonayn.

Madaxweyne Joe Biden ayaa horey wacad ugu maray inuu shaqada ka eryi doono qof kastaa oo ka tirsan maamulkiisa oo qof kale oo ay wada shaqeynayaan ula dhaqmo “ixtiraam darro”.

Ducklo ayaa sheegay in arrintaasi dhex martay isaga iyo gabadhaasi asyan ka turjumeyn shakhsiyaddiisa, sidaa awgeedna uu soo ceshan doono kalsoonidii ay dadku ku qabeen.

Gabadhaasi weriyaha ahiee Tara Palmeri ayaan ilaa iyo haatan ka hadlin tallaabadani uu qaaday Ducklo.

Ducklo ayaa shaqada laga joojiyay Jimcihii dhawaa, kaddib markii majaladda Vanity Fair ay baahsiay hanjabaadda la sheegay in uu u geystay Palmeri.

Gabadhaasi ayaa baaraysay xiriirka Ducklo uu la leeyahay, Alexi McCammond, oo ah weriye ka tirsan Axios oo ka soo warramayay ololihii doorashada ee Biden.

Sida la sheegay Ducklo ayaa gabadhaasi wacay kaddibna ugu hanjabay in uu “baabi’in doono”. Wuxuu sidoo kale ku yiri hadallo sharaf dhac ku ah gabadhaasi, sida lagu sheegay warbixinta Vanity Fair.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in go’aanka Ducklo ee uu shaqada ka tagayo uu ahaa mid aad looga soo dhaweeyay xafiiska madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Ron Klain.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post