273 Views

Dhallinyaro si qaldan u isticmaashay Tiktok oo lagu xiray Dalka Masar

Dhallinyaro si qaldan u isticmaashay Tiktok oo lagu xiray Dalka Masar
____________________________________________________________________________

Isniin: January 30 2023 

Laba qof ayaa lagu xiray dalka Masar kadib markii ay baraha bulshada ku faafiyeen qoraal ay ku muujinayaan in ay booqdeen xabsi.

Basma Hegazi iyo Mohamed Hosam ayaa la dhigay xabsiga ka dib markii lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo inay ka tirsan yihiin urur argagixiso.

Xariga ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay dalka Masar oo lagu xannibay baraha bulshada, iyadoo haweenka qaar lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen qiyamka qoyska.

Halka kiis ee sida weyn lo hadal hayo ayaa ah haweeney lagu magacaabo Haneen Hossam, oo sameysa jilliin xagga heesaha iyo qoob ka-ciyaarka, ayaa lagu xukumay toban sano oo xarig ah.

Xukunkeeda ayaa markii dambe laga dhigay saddex sano ka dib markii ay dadweynuhu ka gadoodeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post