1053 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 13, 2020—Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 13-ka Bisha January 2020, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangoynta & Tayo Dhawrka.

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa, waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobaadkii kulan yeesha Saddex maalmood oo kala ah Sabti, Isniin iyo Arbaco, iyadoona ay xusid mudan tahay in xiliyada qaar ay kulamo deg deg ah yeeshaan iyo kuwo Su’aalo lagu weeydiinayo Golaha Wasiirada Xukuumadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment