1527 Views

40 ruux oo ku dhimatay shil ka dhacay Kenya

40 ruux oo ku dhimatay shil ka dhacay Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 10, 2018–Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 40 ruux ayaa ku dhimatay shil bas oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada Kisumu ee dhanka galbeed ku taalla.

Shilka ayaa yimid ka dib markii baska uu waddada ka baxay sida ay booliisku sheegeen.

Dad badan ayaa la sheegay in ay dhinteen markii uu basku dhinaca kale isu gadiyay, booliiskuna waxay ka cabsi qabaan in dhimashadu ay intaas ka sii badan doonto, iyadoo ay macquul tahay in ay dad ku hoos xanibmeen burburka baska.

Qof ka mid ah dadka degaanka uu Shilku ka dhacay ayaa sheegay “Qaybtii sare oo baska ayaa go’day  darawalku uu xakamayn waayay gaariga”.

Tiradda dadka Baska  saarnaa  Waa 52 ruux  sida ay booliisku sheegeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment