369 Views

Dowladda Sacuudiga oo Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Dollar

Dowladda Sacuudiga oo Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Dollar
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqday 13 Milyan oo Dollar, si wax looga qabto Abaaraha ba’an ee ka jira qeybo kamid ah dalka.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Boqorka Sacuudiga, Salmaan Binu Cabdulcasiis ayaa waxaa lagu sheegay in la daah furay wajigii labaad ee Gurmadka loo samaynayo Soomaaliya.

“Waxaan daah-furnay wajigii labaad ee gargaarka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Boqor Salmaan.

Hore Sacuudiga ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 7.18 milyan, si wax looga qabto Abaaraha ka jira deegaannada Soomaalida.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post