447 Views

Barta bulsho ee Donalad Trump ee lagu magacaabo, Truth Social oo hawada la soo galiyay

Barta bulsho ee Donalad Trump ee lagu magacaabo, Truth Social oo  hawada la soo galiyay
____________________________________________________________________________

Isniin: February 21, 2022

 Barta bulsho ee Donalad Trump ee lagu magacaabo, Truth Social ayaa hawada la soo galiyay, iyada oo uu xadidayo App Store ka Maraykanka.

Barta bulsho waxay meelo badan uga egtahay Twitter, sida ay sheegeen dadka ka faalooda – Mudane Trump ayaa horay looga mamnuucay in uu iscticmaalo Twitter, Facebook iyo Youtube sanadkii hore.

Dadka doonaya in ay iska diiwaangaliyaan bartaan cusub ayaa loo sheegay: “Dalab badan oo soo dhacay awaadii, waxaan ku galinay liiska dadka na sugaya” Sidaas waxaa sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Todobaadkii la soo dhaafay wiilka uu dhlay Trump ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawir uu ka qaaday bogga “Truth” ee aabihii leeyahay.

Barta bulsho ee Truth ayaa isku qeexday masrax weyn, kaas oo dhiira galiya, wada hadal furan, xor ah oo waliba caalimi ah, oo aan lahayn cunsuriyad ku qotonta diidmo fikir siyaasadeed.

Mudane Trump ayaa doonaya in uu ugu ololeeya Truth “Xoriyadda hadalka” iyo inuu uga xoroobo faaf-reebka Twitter iyo Facebook.

Barta Truth waan in ay sidoo kale ahaato mid iska caabin karta kooxaha waxjabsada ee internet ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post