1068 Views

Wakaaladda Qatar ee QNA oo shaacisay in Wasiirka Maaliyadad Qatar la xiray, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq

Wakaaladda   Qatar ee QNA oo  shaacisay in Wasiirka Maaliyadad Qatar la xiray, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq
____________________________________________________________________________

May 6, 2021

Wakaaladda Wararka Dowladda Qatar ee QNA ayaa maanta shaacisay in Wasiirka Maaliyadad Qatar, Ali Shareef al-Emadi la xiray, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq iyo ku tagri-falid awoodeed.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in xariga wasiirka maaliyadda uu amray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar, islamarkaana uu hadda socdo baaritaan ku aadan eedaha loo soo jeediyay wasiirka.

Al-Emadi ayaa ahaa wasiirka maaliyadda dalkan hodonka ah ee Khaliijka Carabta tan iyo sannadki 2013-ki. Wuxuu kaloo madax ka ahaa Sanduuqa Maalgashiga Qatar oo ay taallo lacag ka badan 300 oo bilyan oo dollar.

Majallada ka faalloota arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah ee Banker ayaa sannadki 2020-ki u aqoonsatay Ali Shareef al-Emadi wasiirka ugu wanaagsan wasaaradaha maaliyadda Bariga Dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post