393 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ciidanka Xoogga ugu hambalyey munaasabadda 12-ka April

Madaxweynaha Galmudug oo ciidanka Xoogga ugu hambalyey munaasabadda 12-ka April
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, qoraal xafiiskiisa kasoo baxay ayaa hambalyo loogu diray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona Madaxweybaha ugu hambalyeeyay munaasabadda 12 April oo ah markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka 1960-kii oo ay kasoo wareegtay 62 sano.

Sidoo kale, Madaxwaynaha ayaa hambalyo udiray ehelada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, wuxuu ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka sida nafti hurnimada leh oo ay goor iyo goobkasta cadowga uga difaacaan dalka, isagoo ku dhiirigeliyay in ciidanku ay sii laba jibaaraan dadaalada iyo howlgallada lagu lagula dagaalamayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor ayaa u dhignaa sidaan:

Talaado – 12 April 2022

Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hambalyo udiray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabadda 12 April oo ah markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka 1960-kii oo ay kasoo wareegtay 62 sano.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post