465 Views

Aqalka Cad oo soo saaray go’aan sigaarka ku saabsan oo muran dhaliyay

Aqalka Cad oo soo saaray go’aan sigaarka ku saabsan oo muran dhaliyay
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 23, 2022

Qaddarka maaddada nikotiinka ee ku jira sigaarka lagu iibiyo Maraykanka ayaa lagu wadaa in la dhimo oo laga dhigo mid aad u yar ama aan la qabatimayn.

Aqalka Cad ayaa Talaadadii daaha ka rogay qorsheyaasha maamulka madaxweyne Joe Biden ay yihiin kuwo si weyn u dhimi kara dhimashada uu sababo kansarka.

Laakiin tallaabooyinkaas ayaa loo badinayaa inay ka hor yimaadaan warshadaha sigaarka ama tubaakada.

Sigaar-cabista ayaa weli ah sababta ugu badan ee dhimashada Mareykanka, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) sanad kasta 480,000 ayaa u dhimata.

“In sigaarka iyo waxyaabaha kale ee tubaakada guban laga dhigo kuwo la yareeyo qabatinkooda ama aan la qabatimin waxay gacan ka geysan doontaa badbaadinta nolosha,” ayuu yiri Dr Robert M Califf oo ah Guddoomiyaha FDA.

Dr Calif ayaa xusay in hoos u dhigista heerarka nikotiinka ay sababi karto in dhallinyaro badan ay qabatimaan cabista sigaarka, waxayna kuwa hadda caba ka caawineysa inay joojiyaan.

Sanadka 2020, dad lagu qiyaasay 30.8 milyan oo qof oo qaangaar ah oo ku nool Mareykanka ayaa cabayay sigaarka. Dhaqaatiirta Guud ee Maraykanka ayaa ku qiyaasey in 87% dadka waaweyn ee sigaarka caba in ay billaabaan marka ay da’doodu gaartay 18 jir.

Arrintan ayaa timid ka dib markii maamulka Madaxweyne Biden ay bisihii Febraayo dejiyeen tallaabooyin hoos loogu dhigayo heerka dimashada kansarka ugu yaraan 50%, shan iyo labaatanka sano ee soo socota, taas oo qeyb ka ah ololaha loo yaqaanno Moonshot ee kansarka

Laakiin khubarada ayaa sheegaya in ay ku qaadan karto ugu yaraan hal sano Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka (FDA) ee maamusha sigaarka, in uu soo saaro xeer la soo jeediyay oo ay dib u dhigi karaan mucaaradka, sida laga soo xigtay Washington Post.

Waxay ku dartay warshadaha tubaakada, oo ay u badan tahay inay si adag uga soo horjeedaan isbeddelka, ay caqabad ku noqon karaan sharciga ugu dambeeya ee maxkamadda.

Dhibaatada uu sigaarka u geysto sambabada

Kumannaanka kiimiko ee ku jira tubaakada la dhuuqo waxay waxyeeleeyaan, ayna bedelaan hido-sidaha ku jira unugyada sambabka – waxayna si aayar ah isugu badalaan kansar.

Cilmi baarista cusub waxay muujineysaa in isbedel wayn uu dhacayo ka dib marka qofka uu joojiyo sigaar cabidda, xitaa haddii kansar uu ku dhaco.

Unugyada aadka u badan ee laga soo qaaday dhuunta dadka sigaarka caba waxaa ka muuqday in tubaakada ay si ba’an u waxyeeleysay, iyadoo illaa 10,000 oo unug ay isbedeleen asal ahaan.

“Kuwan waxay u egyihiin waxyaabo qarax yar sameeyay, waxayna sugayaan saameynta xigta oo kansar noqon karta,” ayey tiri Dr Kate Gowers, oo ka mid ah cilmi baarayaasha jaamacadda UCL.

Laakiin, unugyo yar ayaa ka badbaada oo aan isbedelin.

Sida saxda ah ee ay uga badbaadeen dhibaatada ka dhalatay sigaarka ma cadda. Balse cilmi baarayaasha waxay sheegayaan in ay u muuqato in “ay ku dhex nool yihiin meel xiran oo aan la gali karin”.

Si kastaba, marka qof uu iska joojiyo sigaarka, unugyada badbaaday ayaa bllaaba in ay kobcaan ka dibna ay bedelaan kuwa xanuunsaday ee sambabka ku jira.

Dadka iska daaya sigaarka, illaa 40% boqolkiiba, unugyadooda waxay u ekaanayaan dadka kale ee aan weligood sigaar cabin.

“Anaga gebi ahaanba diyaar uma ahayn natiijada aan helnay,” Dr Peter Campbell, oo ka tirsan machadka Sanger, ayaa sidaa u sheegay BBC News.

Wuxuu intaa ku daray: “Waxaa jiro kooxo unugyo ah oo isu beheysta daweynta neef-mareenka iyo dhuunta oo dhan.

“Mid ka mid ah arrimaha cajiibka ah ee aan aragnay waxaa lagu arkay bukaannada sigaarka joojiyay, xitaa 40 sano haddii ay cabayeen. Waxay leeyihiin kumannaan unug oo aanba isbedelin oo aan la kulmin sigaarka.”

Ku dhiirashada joojinta sigaarka

Cilmi Baarayaasha weli waxay qiimeynayaan illaa heerka uu sambabka bogsado. Baaritaanka waxaa diiradda lagu saaray dhuunta, halkii la eegi la haan marinnada yaryar ee loo garanayo alveoli, halkaas oo hawada ay soo marto markaan neefsaneyno, waxayna ka soo qaadaa sambabada.

Tusaale ahaan, illaa 47,000 oo qof oo ku nool UK ayaa qaba kansarka sambabada, illaa rubuc ka mid ah waxay ka qaadeen sigaarka.

Cilmi baaris ayaa horey u muujisay in ay yaraaneyso halista kansarka sambabka, haddii qofka uu iska daayo cabidda sigaarka.

Fikradda waxay ahayd in taas ay fududahay sababtoo ah isbedelka unugyada sambabka ayaa halkaas ku dhammanaya.

Dr Rachel Orritt, oo ka tirsan xarunta cilmi baarista kansarka ee UK waxay tiri: “Waa fikrad dhiiragelin leh in dadka joojiyay sigaarka ay fursado badan oo cudurro ay kaga badbaadaan helayaan – iyagoo ay ka yaraaneyso dhibaatada ka dhalata tubaakada ee sambabada ay u geysato. Sidoo kale waxay fursad u tahay in sambabka uu isu dheeli tiro unugyada xanuunsan iyo kuwa caafimaadka qaba”.

Maaddada Nicotine ee sigaarka ku jirta ayaa ah mid qabatin xoog badan leh laguna sheego waxa loogu yeero kiimiko dareen fiican leh oo ku sameysan tubaakada.

Bayaan uu soo saaray Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa lagu sheegay in qorshayaasha la soo jeediyay ay xadeyn doonaan heerka nikotiinka ee sigaarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post