1587 Views

dil iyo dhaawac dhalinyaro Soomaali ah loogu geystay magaalada Toronto ee dalka Canada

dil iyo dhaawac  dhalinyaro Soomaali ah loogu geystay magaalada Toronto ee dalka Canada
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 2, 202

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dil iyo dhaawac  dhalinyaro Soomaali ah loogu geystay magaalada Toronto ee dalka Canada saacadihii la soo dhaafay.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu sababay Geerida  AUN Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa iyo dhaawaca laba gabar oo la socotay, sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee Toronto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in markii hore saddex-dooduba uu dhaawac soo gaaray, balse marka la geeyey isbitaalka uu geeriyooday Sahal.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen xilli ay marayeen wadada, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaari cad oo meesha kasii dhaqaaqaya.

Ma cadda sababta loo beegsaday dhalinyaradan Soomaaliyeed, balse saraakiisha ammaanka ee Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad oo ku aadan dhacdada.

Sidoo kale Dhankiisa Aabaha Sahal Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn illaa iyo hadda sababta loo dilay wiilkiisa, wuxuuna tilmaamay in lagu Aasay qabuuro ku yaal magaalada Toronto

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post