888 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo soo saaray awaamir lagu sugayo amniga magaalada Beladweyne

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo soo saaray awaamir lagu sugayo amniga magaalada Beladweyne
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in la sameynayo howlgallo amniga Beledweyne lagu sugayo, isagoo dhinaca kale ka hadlay shaqaaqo dad ku dhinteen oo Beledweyne ka dhacday.

Mudane Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay inaan loo dulqaadan doonin in magaalada Beladweyne ay markale ka dhacaan falal ka dhan ah Nabadgelyada magaalada, isagoo ku baaqay in cidkasta oo qabto tabasho inay miiska wada hadalka soo fadhiistaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa faray ciidamada amniga inay ka hortagaan cidkasta oo abuureysa falal ka dhan ah Nabadgelyada, ayna xoojin doonaan howlgallada ammaanka lagu sugayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post