1137 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusa Mareeb iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka iyo xubno ka tirsan labada gole.

Booqashada ra’iisul Wasaraha ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo wasaarada arrimaha gudaha dowlada federalka ay iclaamisay in la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug oo 4ta bisha ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment