195 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhigiisa Mareykanka kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shababa

Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhigiisa Mareykanka kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shababa
____________________________________________________________________________

Axad: September 25, 2022

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qaatay dhigiisa dalka Mareykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah”.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post