1251 Views

Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay siiyay Daacish

Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay siiyay Daacish
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Marxuum la oran jirey Siid Cali Maxamed oo 16-jir ah ayaa waxaa uu u geeriyooday dhaawac Tooreey oo lagu dhuftay Isbuucii hore, isago odhowr maalmood ku jiray Isbitaalka, isagoo miyir beelsanaa ama Koma ku jiray.

Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen 2 qof o olagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi oo ka dhacay magaalladda  Birmingham ee dalkaasi.

Marxuumka geeriyooday waxay isaga iyo qoyskiisa u qaxeen dalka Britain si ay nolol fiican uga helaan.

Dhinaca kale, wiil 16-jir ah iyo haweeney 18-jir ah oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen dilka Marxuum Siid-Cali Maxamed  ayaa la soo taagay Maxkamadda Birmingham, wuxuuna Garsooruhu amray in Xabsiga lagu sii hayo, waxaana dacwadooda dib loo  la dhegeysan doonaa bisha soo socota ee Maarso 18-da.

Wararka kale ee naga soo gaarayo dalka Britain waxay sheegayaan inay Boliska heleen maydka nin Somali ah ka heleen hoygiisa oo ku yaallo  Galbeedka Degmadda Hull ee Gobalka Yorkshire.

Marxuumka maydkiisa la helay waxaa magaciisa lagu sheegay DAAHIR BAYGAS DIIRIYE, waana 60-jir, ilaa haddana boliska Britain waxay la’ yihiin qaraabadisia ama cid aqoonsata, iyagoo sheegay inuu goor dhow u soo wareegay Degmadda Hull.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment