1668 Views

Madaxweyne farmaajo oo amray in muddo saddex maalin ah hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda

Madaxweyne farmaajo oo amray in  muddo saddex maalin ah  hoos loo  dhigo  Calanka Jamhuuriyadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021

 

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  saacado kadib waxa uu Tacsi u diray geeridii ku timid Allaha u naxariistee Madaxeynihii 4aad ee dalka Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

 Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka

Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.


Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post