1779 Views

Magacyada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee maanta lagu doortay Muqdisho

Magacyada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee maanta lagu doortay Muqdisho
____________________________________________________________________________


khamiis: January 27, 2022

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee G/Waqooyi (Somaliland) kuwaa oo sida la sheegay aan lagu tartamin ama aan galin loolan adag, balse waxaa kusoo baxay Xubnihii markii hore isku soo sharxay.

Kuraasta maanta ay doorashadoodu qabteen Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland waxaa ay gaarayaan 3-da kursi  kuwaa oo kala ah HOP#244, HOP#037 iyo HOP#238.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#244, waxaa kusoo baxay Siciid Maxamed Maxamuud oo loo qaaday cod gacan taag ah, wuxuuna helay 101 cod, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga HOP#037 ayaa waxaa kusoo baxday Ifraax Maxamed Cawad oo iyadana loo tanaasulay, waxayna heshay 99 cod, kadib codeyn gacan taag ah oo loo qaaday..

Kursiga saddexaad ee HOP#238 waxaa isna kusoo baxay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo aan isna gelin tarta, wuxuuna ku helay 98 cod, halka ay ka aamuseen 3 ergo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post