921 Views

SAWIRRO:-Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay Gobolka Gedo

SAWIRRO:-Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 20, 2020 –
Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay maanta diyaarado ku geysay degmada Dooloow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa waxaa hoggaminaya Taliyaha Ururka 9aad Ee Kafdiid, Liibaan Xasan Cali, iyada oo garoonka diyaaradaha degmada doolow ay kusoo dhaweeyeen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Howlgalinta Guutada 17aad Ee Gorgor Kabtan Cumar Deeq Xassan iyo Xubno kale.

Gudoomiye kuxigeenka  Labaad Ee Gobolka Gedo, Nasteex Cabdi Saalax iyo Gudoomiyaha Degmada Dolow, Cali Farax Mire oo kamid ahaa Xubnaah ciidamada soo dhaweeyay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Horay dowladda Soomaaliya waxaa ay diyaarado ku geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, waxaana Ciidamadan Maanta ay geysay ay kusoo aadayaa xilli xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan degmada Beled-Xaawo ee gobolak Gedo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post