177 Views

SAWIRO:–Wasiirka koowaad ee Xukuumadda oo Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho kula kulmay Danjire Larry Andre

SAWIRO:–Wasiirka koowaad ee Xukuumadda oo Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho kula kulmay Danjire Larry Andre
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre kula kulmay xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xoojinta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa soo gabagabeeyay Safarkiisa shaqo ee Muqdisho, waxaana badali doona Richard Riley oo Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden u soo magacaabay 30-ka March, 2023-ka.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada, isaga oo horay uga soo shaqeeyay dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.

Danjiraha cusub ayaa badala safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre, oo 16-kii April 2021-ka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden u soo magacaabay Soomaaliya isaga oo badalay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay 2021-ka illaa 2018-kii.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post