504 Views

Al-shabaab oo isaga baxay deegaan galbeedka kaga beegan Magaalada Beledweyne

Al-shabaab oo isaga baxay deegaan galbeedka kaga beegan Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 27, 2022


Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in halkaasi dagaalameyaasha al-shabaab oo in muddo ah maamulayay ay iskaga baxeen kaddib markii ciidanka dowladda ay ku dhowaadeen sida goob joogeyaal ay tilmaameen.

Deegaankaan oo 75 km dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne ayaa deegaannada hoos imaanaya waxaa gaaray ciidanka milatariga soomaaliya kuwaasi oo halkaasi howlgallo ka dhan ah dagaalameyaasha al-shabaab ka wada.

Saraakiisha hoggaaminaysa howgelkaan ayaa warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in shabaabku ka saaraan dhammaan deegaannada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan si dadka deegaanka ay u helaan amni iyo in ay isku gooshaan.

Howlgellada joogtada ah ee ka socda gobolka hiiraan ayaa yimid kagadaal markii dagaalameyaasha al-shabaab ay go,doomiyeen degmooyinka qaar islamarkaana ay hor istaageen in cuunnooyinka quutul daruuriga ah ay gelaan degmooyin ay kamid tahay beledweyne.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post