1053 Views

SAWIRO:-Guddoomiyeyaal fuliyey Amar kasoo baxay duqa Muqdisho

SAWIRO:-Guddoomiyeyaal fuliyey Amar kasoo baxay duqa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , Feberaayo 23, 2020 —Maamulka Degmada Hawlwadaag oo fulinaya amarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa uruuriyay lo,da dhex fadhida wadooyinka Degmada Hawlwadaag, si loo illaaliyo Bilicda deegaanka.

 

Xarunta Baadiqabad ayaa Xubno ka ttirsan Maamulka degmada Howl-Wadag ay geeyeen xoolihii ay ka arruuriyana wadooyinka mara degm,adaas,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada.

 

 

 

Dhinaca kale Maamulka degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegeen in, iyaga oo fulinaya Amarkii Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ay Maamulka Degmada iyo Ciidanka ilaalinta Deegaanka Dowlada Hoose Ee Xamar waxa ay wadooyinka Dagmada mara ka Aruuriyeen ku Dhawaad 100 Neef oo Lo’ ah kuwaas oo caqabad ku aha Bilicda iyo Horumarinta Caasimadda.

 

Suuqa weyne ee Degmada ayaa kamid ah goobta laga soo aruuriyay Lo’da ugu badan ee lagu wareejiyay Xarunta Baadi-Qabadka ee uu hirgeliyey dhawaan Maamula Gobolka Banaadir.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment