696 Views

Rashiid Yuusuf “Kuma haysano goobtiisa ganacsiga, balse waa inuu ogaadaa in Jaaliyadu ay tahay goob sida uu doono uusan u maamulan karin” [WARAYSI]

Rashiid Yuusuf “Kuma haysano goobtiisa ganacsiga, balse waa inuu ogaadaa in Jaaliyadu ay tahay goob sida uu doono uusan u maamulan karin” [WARAYSI]
____________________________________________________________________________

Rashiid Yuusuf Ismaaciil [Wajaale], oo ka mid ah aqoonyahanada  Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Zwolle ee dalka Nederlands, ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyey ee jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, isaga oo si  koobban u sharaxay waayihii ay soo martay jaaliyada iyo  khilaaf muddooyinkii u dambeeyey ragaadiyay jaaliyada, una kala qaybiyay 2 garab.

Rashiid Wajaale, wuxuu hadda ka mid yahay guddiga waalidiinta Magaalada Zwolle, isaga oo si gaar ah guddiga ugu qaabilsan dugsi ay wax ku bartaan caruurta Soomaalida, waxaanna uu tilmaamay Wajaale in 2da guddi ee jaaliyadu ay kala yihiin guddi ka shaqeeya danta & maslaxada dadka Soomaalida, wixii uu qabtayna ay muuqdaan & guddi uu madax uu yahay shaqsi u haysta jaaliyadii dhammeyd maqaaxi uu isagu leeyahay.

“Anigu dhowr iyo 10-kii sanno ee u dambeeyay ayaa Soomaalida soo dhexgalay, intii ka horreeysay Magaalo kale ayaa daganaa, waxaan goob joog u ahaa waayo badan oo ay jaaliyadu soo martay laga soo billaabo xilligii uu jaaliyada madaxda ka ahaa Cabbaas Cali” Ayuu yiri Wajaale oo waraysi siiyay shabakadda SOMNIEUWS, isaga oo intaasi sii raaciyay in ay nasiib darro ahayd in jaaliyadani oo ahayd tan ay Soomaalida dalkani ku daydaan in ay 2 guddi yeelato, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka Jaaliyada in ay ku soo xirmaan, lana shaqeeyaan guddiga uu madaxda u yahay Axmed Hayaan.

Rashiid Wajaale, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dadka isaga la midka ah ay jaaliyada u arkaan hannaan bulshada loogu shaqeeyo, dadka maamula-na ay yihiin kuwa waqtigooda gelinaya sidii ay u qurxin lahaayeen sawirkii laga qaadanayo bulshadooda, iyaga oo aan wax dhaqaale ama dan ahina aysan ka soo galayn, hasse ahaatee ay ugu xilanayaan oo keliya in ay waqtiga iyo judiga ay bixinayaan ay u arkaan cibaado ay ALLE ajir kaga dalbanayaan, balse dadka qaar aysan sidaas u ogayn oo ay doonayaan in ay danahooda gaarka ah u isticmaalaan magacii jaaliyada.

“Jaaliyad kasta howsheedu waa in ay fududeyso tasiilaadka ay u baahan yihiin bulshada Soomaalida ee ay halkaasi ku dhaqan, dadka ka shaqeeyana ma ahan dad mushaar qaata ee waxay ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso [vrijwilligers]”, dadka Magaalada dagan waxa ay xaq u leeyihiin in marka ay doonaan u yeeraan madaxda jaaliyada, ayna su’aalo waydiin karaan, qofku waa inuu xaquuqdiisa ogaadaa” Ayuu yiri Wajaale, isaga oo intaasi ku daray in markii uu aabe noqday, ee uu Soomaalida ku soo xirmay inuu dareemay muhiimada ay leedahay in Soomaali mideysani ay danaheeda iyo maslaxadooda ka shiraan.

“Hadda ka hor, waxaan raadinayay  macalin qur’aanka inoogu dhiga caruurta Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo Magaalooyinka ku dhowdhow, waxaa la ii sheegay inuu jiro waddaad Nuune la shaqeeya, waddaadka markii aan la xiriiray, wuu iga aqbalay inuu ilmaha qur’aan inoogu dhigo, balse wuxuu shardi ka dhigay inaan ruqsad ka soo qaato Nuune, waayo wuxuu yiri; ninkaas ayaa magaalada i keenay mana hor-boodi karo. Nuune, anigaa lugahayga ugu tegay markii aan waydiisanay ee aan ku iri waddaadka ilmaha qur’aanka ha inoogu dhigo, adigana ajir baa kaa soo galaya, waayo waa caruur halkan ku dhalatay oo aan qur’aan iyo diin waxba ka garanayn, halkii aan ka sugaynay inuu waddaadka nagu daro, wuxuu nagala horyimid dood iyo muran, si cad ayuuna inoogu diiday. maalintaas ayaa yaabay oo aan iri, war ninku miyaanu islaam ahayn.?” Ayuu yiri Rashiid Wajaale,  waxaa kale oo uu sheegay in guddiga kale ee uu madaxda u yahay Axmed Hayaan ay dugsi u fureen caruurta, ayna ka caawiyaan casharada iskuulka, sidoo kalena ay u qabteen macalin u dhigta qur’aanka iyo tarabiyadda islaamka.

“Nuune, si magacii iyo haykalkii jaaliyada uu ugu danaysto, waxaad ka garanaysaa dadka la shaqeeyo waxay u badan yihiin dad dalka joogay wax ka yar 10 sanno oo aan shuruucdii iyo xittaa luqadii aan si fiican u aqoon, la isma tuso isaga & qof aqoon leh oo waa col,  halka guddiga kale ay yihiin labeentii Magaalada, guddigeena waxaa madax u ah Axmed Hayaan oo ka midka ah dadka Soomaalida raasumaalka u ah,  halkaas ayaad ka garanaysaa farqiga u dhexeeya 2da guddi” Ayuu yiri Rashiid Wajaale.

Rashiid Wajaale, wuxuu soo qaatay sheeko dhexmartay Gemeentiga Zwolle & Nuune.

“Hadda ka hor, waxaa dhacday C/qaadir Nuune ayaa ka dalbaday Gemeentiga lacag, wuxuu u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin magacyada dad badan oo Soomaali ah oo qaarood Jaaliyada madax ka soo noqdan balse aan ka war hayn sida magacooda loo isticmaalay, gemeentigii si ay u xaqiijiyaan dalabka uu gaarsiiyay Nuune, waxay la soo xiriireen Axmed Hayaan & Cabbaas oo saxiixooda la isticmaalay iyaga oo aan ogayn, waxaana la waydiiyay waxa ay ka ogyihiin arrintaas, wixii markaa ka dambeeyay Axmed Hayaan wuxuu go’aansaday inuu soo fara geliyo arrimaha jaaliyada”Ayuu yiri Rashiid Wajaale.

Rashiid mar uu ka hadlayay Guddiga uu ka tirsan yahay wuxuu sheegay in ay danta keliya ee ka dhaxaysa ay tahay sidii dadka dadka wax loogu qaban lahaa.

“Guddigan Axmed Hayaan madaxda u yahay waad dad “illite” ah oo uruursan haddaad balan ka qabsato wixii ay kaa caawin karaan way kaa caawinayaan, isagu [Nuune] wuu iska kaa daba wareejinayaa, waana dhaqanka Soomaalidu u badan yihiin, Tusaale: Hadda ka hor Gemeentiga ayaa yiri: Waxaad soo tira koobtaa inta Soomaali ah ee billaa camalka ah ee Magaalada ku nool,  kaddib markii gemeentigu uu ku celin waayay wax jawaab ah, ayaa Axmed Hayaan ay  la soo xiriireen, isagana dadkii buu ku xiray kuwii shaqo rabay, tababar baa la siiyey, hogaaminta waxa la yiraahdo waxay u baahan tahay aqoon iyo biseyl” Ayuu yiri Rashiid wuxuuna intaasi sii raaciyay:

“Nuune cid-na kuma haysato goobtiisa ganacsiga, balse waa inuu ogaadaa in jaaliyadu ay tahay goob sida uu doono uusan u maamulan karin”.

Shabakadda SOMNIEUWS waxay isku dayday in ay la xiriirto C/qaadir Nuune si ay wax kaga waydiiso arrimaha uu ka sheegayo Rashiid Wajaale, hasse ahaatee waa ay inoo suurtageli wayday.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post