834 Views

Xildhibaan ka tirsan DR Congo oo loo xirey gaf uu u geystay Madaxweynahav Dalkaasi

Xildhibaan ka tirsan DR Congo oo loo xirey gaf uu u geystay Madaxweynahav Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Xildhibaan Jean-Bosco Assamba oo u dhashey dalka Cong DR, ayaa loo xirey gef iyo meel kaga uu u geystay Madaxweynaha dalkaasi Felix Tshisekedi, kadib markii ay xumaatey xaaladda ammaan ee bariga dalkani.

Hadaladan qadafka ayuu xildhibaankan ku sheegay video ay bulshadu aad u daawadeen bishii April ee ina dhaaftey, taasoo xildhibaan Assamba ku qeexay Madaxweyne Tshisekedi “Beenaale”.

Wuxuu intaa ku darey xildhibaankan in madaxweynaha balan qaadyo fara badan oo uu sameeyey inuu kasoo bixi waayey, kuwaasoo la xiriirey inuu wax ka qabanayo ammaan darida ka jirta gobolada bariga.

Xildhibaankan ayaa laga soo doortaa Bunia, gobolka Ituri, waxaa xirey sirdoonka dalkani axaddii, oo ay taariikhdu aheyd 27-kii June, ka gadaal markii uu ku guul dareystay inuu iska xaadiriyo xarunta booliiska gobolka oo loogga yeeray.

Waa markii uggu horeysay oo siyaasi lasoo horjoojiyo illaa iyo intii la aasaasey gobolada Nord Kivu iyo Ituri.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post