1020 Views

Somaliland oo ku dhawaaqday in la joojiyay Saldhiggii Imaraadka ee Berbera

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14 2019 —Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay ka laabteen heshiiskii garoonka diyaaradaha Berbera lagaga dhigayay saldhig millateri oo Imaraadka Carabtu leeyahay.

 

Waxaa uu sheegay in qorshahaan uu yimid wadatashi dheer ka dib, islamarkaana Somaliland ay ka baxday heshiiskii dowladda Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Berbera.

 

Madaxweynaha oo ku sugan Berbera waxaa sheegay in Garoonku ahaan doono mid shacab oo weliba noqon doono kuwa ugu waa weyn Afrika.

 

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Waxaa uu sheegay in garoonka laga dhisi doono mid ka mid ah Garoomadda ugu weyn Adduunka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment